Xiisad Dagaal Oo Maanta Ka Taagan Deegaanka Lambar50

0
157

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay kusoo waramayaan in maanta xiisad dagaal oo u dhaxeeysa Ciidamo ka wada tirsan Dowladda ay ka taagantahay deegaanka Lambar-50 Ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Xiisadaan dagaal ayaa waxa ay timid kadib markii saacadihii lasoo dhaafay uu dagaal culus  deegaanka Lambar50 ku dhexmaray Ciidamo ka tirsan Nabad sugida Degmada Marka iyo Ciidamo uu wato nin sarkaal ah kuwaas oo la magacbaxay Badbaado qaran.

Deegaanka Lambar50 iyo deegaano Kale oo hoostaga waxa maalmihii dambe Dhaqdhaqaayo xoogan iyo howlgalaba ka waday Ciidamada Nabad sugida Degmada marka oo uu hogaaminayay Guddoomiyaha Degmadaas Cabdullaahi Axmed Cali waafow.

Waxaana Dhaqdhaqaayadaas ay deegaanka lambar-50 ka wadaa Ciidamada Guddoomiyaha Degmada marka aad uga Carooday sarkaal lagu Magacaabo Maxamed adeereey.

Waxaana uu sheegay in ay ubaahanyihiin in ciidamada uu wato Guddoomiye waafoow ay iskaga baxaan deegaanka Lambar50.

Qaarka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in ay ka cabsi qabaan in markale uu dagaal udhexeya Ciidamada Gadoodsan  ee uu wato sarkaal lagu magacaabo Maxamed adeereey iyo Ciidamada Nabad Sugida Degmada marka in halkaasi ka dhaco.

Ilaa iyo hada majirto cid si rasmi ah ula dhaxgashay labada ciidan.

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here