Thursday, August 5, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Xiisad ka taagan Degmo ka tirsan Gobolka Nugaal

Xiisad ka taagan Degmo ka tirsan Gobolka Nugaal

Wararka aan ka heleyno degmada Godobjiraan ee Gobolka Nugaal ee Maamulka Puntland ayaa waxaa ay sheegayaan in saakay halkaas ka taagan tahay xiisad u dhexeeysa Maleeshiyaad hubeysan iyo Ciidanka Puntland.

Xiisadan taagan ayaa ka dhalatay Maamulka KMG ah oo dhawaan Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni u magacaabay degmada Godobjiraan ee ka tirsan Gobolka Nugaal.

Rag hubeysan oo maleeshiyaad is abaabulay ah ayaa lagu soo warramayaa inay is hor-istaag ku sameeyeen in xilka lagu wareejiyo Guddoomiyaha Godobjiraan, waxaana la sheegay in sidoo kale uu diiday inuu xilka wareejiyo Guddoomiyihii hore ee degmada.

Israsaaseyn aan khasaaro geystan ayaa dhexmartay maleeshiyaadka hubeysan iyo Ciidamo la socday Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland oo Godobjiraan u tegay Munaasabada xil wareejinta, waxaana dadka halkaas ku sugan kamid ah Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Nugaal Xuseen Xaaji Cabdulle.

Dadka deegaanka qaarkood oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in gudaha degmada laga dareemayo xiisada taagan, isla markaana ay ka cabsi qabaan in uu dhaco dagaal u dhexeeya labada dhinac, mana jiro dadaalo xal raadin ah oo socda.

RELATED ARTICLES

Jofra Archer ayaa meesha ka saaray T20 Koobkii Adduunka iyo Dambas isagoo jabtay suxulka midig

Jofra Archer oo ah kubbad -yaqaanka dheereeya ee England ayaa seegi doona Koobka Adduunka ee T20 iyo Dambaskii Australia ka dib markii uu soo...

Biden wuxuu rabaa in kala bar iibinta baabuurta Mareykanka ay noqoto mid eber ah marka la gaaro 2030

Madaxweyne Joe Biden wuxuu saxiixi doonaa amar fulineed oo dejinaya “yool hami leh” oo ah in kala bar dhammaan gawaarida cusub ee lagu iibiyo...

Caqabadaha badan ee horyaala Madaxweynaha cusub ee Iran Ebrahim Raisi

Tehran, Iran - Ebrahim Raisi, oo loo caleemo saari doono madaxweynaha siddeedaad ee Iran Khamiista, ayaa wajahaya caqabado adag oo siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho...

Twitter Feed