Saturday, December 4, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi iyo Al-Fanaan Nimcaan Hilaac ayaa si adag uga...

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi iyo Al-Fanaan Nimcaan Hilaac ayaa si adag uga jawaabay hadal kasoo yeeray Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun

Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun oo ka tirsan  xubnaha golaha wakiilada ee Somaliland.

Fiqi iyo Nimcaan ayaa waxay naqdiyeen hadalka Barkhad uu ugu Jawaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Rooble, islamarkaana uu uga hadlay dadka Koonfurta ee ay Somaliland bilowday raafkooda.

Batuun oo u jawaabayey Rooble ayaa waxa uu sheegay in mas’uuliyad weyn ay ka saaran tahay amniga dalka Somaliland, uu dhiigooduna kala qaalisan yahay dheeman, wuxuuna Ra’iisul wasaaraha ku tilmaamay mid reereed oo aan qaran aheyn.

Fiqi ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Ninikii heyb sooca ka sheeganayey ee taageerada badan arrintaas Soomaali oo Idil uga helay ayaa durbaba kursigii marka uu ku fariistay dad heyb-sooc lagu soo tarxiilay xuquuqdoodii dafiraya kuwii falkaas geystayna u muujinaya garab istaag.. Barkhad meel xun buu talaabo qaadka ka bilaabay!.”

Nimcaan Hilaac ayaa isagna yiri “Barkhad Jaamac Batuunow. Cilaajkeenu wuxuu lahaa Cid gaara oo inoo qaabilsan cayda koonfureed iyo inay ku digtaan, saaka iyagiibaad horbooday. Gobonimo koonfurbaa leh Allaha nabadeeyo.”

Si kastaba, Hadalka Barkhad ayaa si weyn loogu naqdiyay baraha bulshada, inkasta oo uu sheegay in ka xisbi Wadani ahaan ay aad uga xun yihiin masaafurinta dadkii laga soo saaray Laascaanood, gaar ahaan kuwa danta yar & dumarka

RELATED ARTICLES

Booliska Somaliland oo howlgal ka sameeyay Magaalada laas-caanood

Ciidamada Booliska Somaaliland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen Magaalada laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool, halkaas oo ay...

NISA oo shaacisay in howlgal gaar ah lagu dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada hubeysan ee Duufaan ee NISA ayaa howlgal gaar ahaa oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab waxaa ay ka fuliyeen meelo kamid ah Magaalada...

Heavy fighting erupts in Baidoa

Baidoa (sh.M.Network) reports from Baidoa town in the lower Shabelle region confirm that a heavy fighting broke out between Al shabab fighters and Somali...