Saturday, December 4, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Xilliga ay dhaceyso doorashada Guddoonka Gudiga doorashooyinka Gobolada Waqooyi oo la shaaciyay

Xilliga ay dhaceyso doorashada Guddoonka Gudiga doorashooyinka Gobolada Waqooyi oo la shaaciyay

War qoraal ah oo ay soo saareen Guddiga hirgelinta doorashooyinka ayaa waxaa lagu shaaciyay Xilliga la dooranayo guddoonka guddiga doorashooyinka Xildhibaannada Gobolada Waqooyi.

Qoraalka oo ku socday guddoonka guddiga doorashooyinka Xildhibaannada Gobolada Waqooyi ayaa waxaa lagu sheegay in doorashada Guddoonka ay dhici doonto 7 bishan oo ku beegan maalinta Sabtiga ah ee todobaadka soo socda.

“ Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) wuxuu ku war galinayaa 11 xubnood ee Guddiga Doorashooyinka Soomaaliland in doorashada Guddoonka Guddiga Soomaaaliland la qaban doono- Maalinka: Sabti, 7da Agoosto 2021 Goobta: Xerada Afisyooni. Si loo xaqiijiyo in doorashooyinka labada aqal ay ku dhacaan waqtigii loo qorsheeyay, si looga fogaado dib u dhac ku yimaadda jadwalka doorashada. Waxaa mar labaad dhammaan xubnaha guddiga la farayaa in doorashada Guddoonka Guddiga Soomaaliland lagu dhameystiro waqtiga kor ku xusan ayaa lagu yiri” Qoraalka Gudiga.

Horay Guddiga  doorashooyinka Xildhibaannada Gobolada Waqooyi ayaa waxaa, iyaga oo laba garab ah ay kala doorteen labada Guddoon kadib khilaf soo kala dhex-galay, hayeeshee doorashadaas uu baabi’yay Ra’iisul Wasaare Rooble.

RELATED ARTICLES

Booliska Somaliland oo howlgal ka sameeyay Magaalada laas-caanood

Ciidamada Booliska Somaaliland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen Magaalada laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool, halkaas oo ay...

NISA oo shaacisay in howlgal gaar ah lagu dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada hubeysan ee Duufaan ee NISA ayaa howlgal gaar ahaa oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab waxaa ay ka fuliyeen meelo kamid ah Magaalada...

Heavy fighting erupts in Baidoa

Baidoa (sh.M.Network) reports from Baidoa town in the lower Shabelle region confirm that a heavy fighting broke out between Al shabab fighters and Somali...