Thursday, August 5, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Xisbiga WADANI oo Xukuumadda ku eedeyay inay faregelin ku heyso doorashooyinka Magaalooyinka

Xisbiga WADANI oo Xukuumadda ku eedeyay inay faregelin ku heyso doorashooyinka Magaalooyinka

Xoghayaha Guud ee xisbiga Mucaaradka WADANI ee Soomaaliland Khadar Xuseen Cabdi, ayaa sheegay in xukuumaddu faro-gelin ku hayso Doorashada Maayirada Magaalooyinka Burco, Laascaanood iyo Oodweyne .

Xoghayaha oo Shir jaraa’id Warbaahinta u qabtay ayaa sheegay in Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Somaliland ee Xisbiga Kulmiye ay dib u dhigeen doorashada Maayirka Magaalada Burco iyo kuxigeenkiisa si ay dorashada lacag ugu adeegadan.

Waxaa uu hadalkiisa intasi uu ku daray Xoghayaha Guud ee xisbiga Mucaaradka ah ee WADANI ayaa uga digay Xukuumadda Somaliland uga dgay faragelinta ay ku heyso doorashada, isla markaana ay isku dayaan in helida kalsoonida Shacbaka ay si kale ku helan.

Warkan kaso yeeray xisbiga Mucaaradka WADANI ee Soomaaliland ayaa kusoo aadaya xilli dib loo dhigay doorashada Guddoomiyeyaasha Magaaloyinka Burco, Laascaanood iyo Oodweyne, taas oo lagu eedeeyay Xukuumadda Soomaaliland.

RELATED ARTICLES

Jofra Archer ayaa meesha ka saaray T20 Koobkii Adduunka iyo Dambas isagoo jabtay suxulka midig

Jofra Archer oo ah kubbad -yaqaanka dheereeya ee England ayaa seegi doona Koobka Adduunka ee T20 iyo Dambaskii Australia ka dib markii uu soo...

Biden wuxuu rabaa in kala bar iibinta baabuurta Mareykanka ay noqoto mid eber ah marka la gaaro 2030

Madaxweyne Joe Biden wuxuu saxiixi doonaa amar fulineed oo dejinaya “yool hami leh” oo ah in kala bar dhammaan gawaarida cusub ee lagu iibiyo...

Caqabadaha badan ee horyaala Madaxweynaha cusub ee Iran Ebrahim Raisi

Tehran, Iran - Ebrahim Raisi, oo loo caleemo saari doono madaxweynaha siddeedaad ee Iran Khamiista, ayaa wajahaya caqabado adag oo siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho...

Twitter Feed