Saturday, December 4, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Xukumada Somaliland oo sheegtay in weerar lagu yahay

Xukumada Somaliland oo sheegtay in weerar lagu yahay

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland  Maxamed Kaahin  Axmed iyo Wasiirka Warfaafinta Saleemaan Cali Koore ayaa ka hadlay dilalka soo laab laabta ee ka dhaca Magaalada laas-caanood ee Xarunta Gobolka Sool iyo dbibaatooyinka kale ee kajira.

Wasiirka  Arrimaha Gudaha Somaliland waxaa uu sheegay in Somaliland ay weerar ku tahay Koox argagaxiso ah oo kasoo horjeeda amniga Somaliland iyo guud ahaan degaannada Soomaaliya waa sida uu hadalka u dhigay.

Wasiir Kaahin ayaa waxaa uu ugu baaqay Bulshada kunool degaannada Gobolka Sool inay amnigooda ka Shaqeeyaan, isla markaana ay kasoo horjeestaan cid kasta oo lidi ku ah amniga Magaalada laas-caanood.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Saleemaan Cali Koore ayaa dhankiisa sheegay in magaladaaas-caanood lagu dilay dad badan oo Haldoor  ahaa ayna ka dambeeyaan Al-Shabaab iyo dad lamid ah.

Wasiirada Warfaafinta & Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa hadalkan ka jeediyay Munaasabad xariga looga jarayay  Xarun ay Ciidamada Gurmadku ku yeelanayaan magaalada laas-caanood laascaanood ee Gobolka Sool.

RELATED ARTICLES

Booliska Somaliland oo howlgal ka sameeyay Magaalada laas-caanood

Ciidamada Booliska Somaaliland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen Magaalada laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool, halkaas oo ay...

NISA oo shaacisay in howlgal gaar ah lagu dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada hubeysan ee Duufaan ee NISA ayaa howlgal gaar ahaa oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab waxaa ay ka fuliyeen meelo kamid ah Magaalada...

Heavy fighting erupts in Baidoa

Baidoa (sh.M.Network) reports from Baidoa town in the lower Shabelle region confirm that a heavy fighting broke out between Al shabab fighters and Somali...