Tuesday, August 3, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq




Home Warar-ka Xukun Lagu Riday Ganacsato Dalka Soo Gelisay Kiimiko Laga Sameeyo Qaraxyada

Xukun Lagu Riday Ganacsato Dalka Soo Gelisay Kiimiko Laga Sameeyo Qaraxyada

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maanta oo sabti ah xukun ku riday Ganacsato ku eedeysan inay gudaha dalka Soomaaliya soo geliyeen Kiimikada iyo Agabyada loo adeegsado waxyaabaha qarxa.

Eedeysanayaasha oo gaaraya 7 xubnood oo laba kamid ah ay yihiin maqane ayaa maalmo kahor lasoo taagay Maxkamadda Ciidamada, kuwaasi oo la sheegay inay dalka soo geliyeen Kiimikada qaraxyada, una sii gudbin jireen Al-shabaab.

Xeer ilaalinta ayaa ku soo eedeeysay inay dekadda Magaalada Muqdisho kasoo dejin jireen, maadooyin kala duwan oo laga sameeyo qaraxyada, Jaakada Qaraxyada, Computero iyo Agab Ciidan.

Sidoo kale Xafiiska xeer ilaalinta ayaa Maxkamadda Ciidamada ka codsatay in eedeysanayaasha lagu rido xukuno adeg, maadaama dalka ay soo geliyeen waxyaabo halis ah oo khatar ku ah nafta iyo deegaanka.

Maxkamadda Ciidamada ayaa eedeysane Maxamed Cismaan Maxamed ku riday xukun xabsi daa’in ah, halka eedeysanayaasha kala ah Cabdisalaan Cali Faarax, Daahir Cusmaan Maxamed, Khadar Cabdisalaan Maxamed, Maxamed Cabdi Sh Cumar iyo Saciid Xuseen Maxamed lagu xukumay mid 8 sanno oo xabsi ah

Maxkamadda Ciidamada ayaa sii deeysay Cabdisalaan Cismaan Maxamed oo lagu waayay dambi, sida uu Warbaahinta u shaaciyay Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur

RELATED ARTICLES

Dabka dabku wuxuu burbur kale u geystaa Turkiga, Giriigga

Tirada dhimashada lix maalmood oo xiriir ah oo dab ka kacay kaymaha Turkiga ayaa gaartay siddeed, halka dalka deriska la ah ee Giriigga, shaqaalaha...

Madaxweynaha cusub ee Iran Raisi ma hagaajin karaa dhaqaale aad u dhib badan?

Tehran, Iran - Ebrahim Raisi, oo loo dhaarin doono Khamiista inuu noqdo madaxweynaha siddeedaad ee Iiraan, wuxuu dhaxlaa dhaqaale murugsan oo masiirkiisu ku dhex...

Poland ayaa siisay fiisooyin bini’aadanimo ciyaartooyga Olimbikada Belarus

Ciyaaryahanka Olympia -ga Belarus -ka Krystsina Tsimanouskaya ayaa Poland siisay fiiso bani’aadannimo, sida uu xaqiijiyay wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda ee dalka Isniintii. Tallaabadan ayaa...

Twitter Feed