Saturday, December 4, 2021

Nala Soo Xidhiidh

Idaacadda Wardeeq

Home Warar-ka Yaasiin Farey oo loo doortay xubin ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya

Yaasiin Farey oo loo doortay xubin ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya

Yaasiin Cabdullahi Maxamuud (Farey) oo ah agaasimaha KMG ee hay’adda NISA ayaa loo doortay xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, kadib doorasho maanta ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

Yaasiin Farey ayaa helay 68 cod, halka musharixii la tartamayey ee Maxamed Cali Culusow oo isna helay 20 cod, sidoo kale waxaa halaabay 3 cod, sida uu shaaciyey guddiga.

Kursigan ayaa waxaa horay ugu fadhiyey Cadow Cali Gees oo muddo ka tirsanaa baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Doorashada ayaa sii soconeysa, waxaana galabta la qabanayaa kursiga xiga ee HOP#43, kaas oo uu horay ugu fadhiyey xildhibaan Xuseen Iidow oo markale tartamaya.

RELATED ARTICLES

Booliska Somaliland oo howlgal ka sameeyay Magaalada laas-caanood

Ciidamada Booliska Somaaliland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen Magaalada laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool, halkaas oo ay...

NISA oo shaacisay in howlgal gaar ah lagu dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada hubeysan ee Duufaan ee NISA ayaa howlgal gaar ahaa oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab waxaa ay ka fuliyeen meelo kamid ah Magaalada...

Heavy fighting erupts in Baidoa

Baidoa (sh.M.Network) reports from Baidoa town in the lower Shabelle region confirm that a heavy fighting broke out between Al shabab fighters and Somali...