Havard Health - Wardeeq news

Adigoo iska wato danahaaga gaarka ah ayuu madaxa ku xanuuni karaa! Mararka qaar, waxba kama qabsan kartid oo howshaada ayaad gabeysaa. Waxaa dhici karto in iftiinka uu ku dhibayo oo qol mugdi ah aad isku soo xirto.

Haddii aadan ka hor tagin, ama u helin daweyn, wanaagsan, wuxuu madax-xanuunka kaa dhigi karaa qof tabar la’aan ah. Waad qaadan kartaa kaniinada xanuun-baabi’iyaha ah.

Balse, dhowaanahan waxaa la ogaaday in aad ka warhayn karto marka madax-xanuunka uu ku so ohayo. Jirkaaga, indhahaaga iyo madaxa ayaad ka dareemi kartaa.

Waxaa dhici karto in jirkaaga ay ku yaryihiin fitamiinnada oo aad u baahan tahay wax badan, ama in aad jimicsi yar oo dhanka maskaxda ah aad sameyso.

Haddaba, waxaa jiro 15 waxyaabood oo guriga aad ku sameysan karto oo u wanaagsan madax-xanuunka:

1-      Ruux waxyar oo Sanjabiil ah

Sanjabiilka waa cunto cajiib ah oo jirka oo dhan u wanaagsan. Lalabada, cunto-xumada iyo madax-xanuunka, intaba wuu u fiican yahay.

Cilmi baarayaal ayaa ogaadayin sanjabiilka budada ah uu yareynayo madax-xanuunka saa’idka ah – Laba saacadood ka dib marka aad isticmaasho.

2-      Madaxa marso ‘saliid-basbaas’ (Peppermint)

Muddo tobannaan sano ah ayaa saliiddan loo adeegsanayay daweynat madax-xanuunka. Seynisyahannada weli waxay baarayaan xogta oo dhameystiran, balse waxay ogaadeen in ay caawineyso in xasilaan murqaha qoorta iyo madaxa oo keeni kara xanuunka.

Cilmi-baaris ayaa muujisay in ay sidoo kale u wanaagsan tahay lalabada iyo matagga uu sababo madax-xanuunka, mararka qaar.

Sida ugu wanaagsan waa in aad saliid kale ku dhex-darto, halkii aad keligeed toos u marin lahayd madaxa.

3-      Biyo badan cab

Aan ogaanno in inteena badan aynaan cabin biyo nagu filan, si maalinle ah. Mararka qaar waxaanba dareennaa oon ba’an iyo in biyaha jirkeena ay dhammaadeen. Markaas oo kale, haddii kofee badan aad cabtay, xaaladda ayuu uga sii daraa.

Haddii biyo kugu filan aadan cabin, waxay u badan tahay in madaxa uu ku xanuuno. Haddaba, biyo cab, ka dibna tijaabi sida madax-xanuunka uu kaaga baxayo dhowr saacadood ka dib.

4-      Waxyar hurud

Inta badan dadka madaxa uu xanuunayo, haddii waxyar ay hurdaan, way caafimaadaan. Waa hurdada u wanaagsan dhibaatooyiin ku haysta oo kaa xanaajinaya. Balse waa in hurdadaas ay noqoto isla marka uu xanuunka ku soo qabanayo.

5-      Cun lowska (almonds)

Dhowr cilmi baaris ayaa lagu ogaaday in cunidda waxyaabaha leh maadada magnesium, ay suuragal tahay in ay ka taqalusaan xanuunka madaxa. Waxaa ugu wanaagsan lowska.

Haddii taas ay kugu adagtahay, waxaad cuntaa spinach (isbinaajka), balse lowska ayaa kaga badan magnesium-ta iyo liilka caawiya jirka in uu si degdeg ah u qaato, halkii aad kaniini ka liqi lahayd.

6-      Cab shaaha Chamomile

Waxaa loo garanayaa ka hortagga caabuqyada iyo xanuunada, shaaha chamomile waxaa ka buuxo maadooyiin maskaxda dejiya. Halkii maalintii aa dhal koob ka cabto, madax-xanuun waad ka fogaatay.

Sokor badan haku darin, sababtoo ah, waxay oga sii dari kartaa xanuunka.

7-      Iftiin yar ka dhig nalalka

Markasta oo madaxa ku xanuunayo, iska ilaali iftiinka saa’idka ah ee nalalka. Waxaa ka mid ah iftiinka dabiica ah ee saa’idka ah sida midka daaqada, ama albaabka. Sidoo kale nalalka, iftiinka mobile-ka iyo shaashada kumbuyuutarada.

In aad xirato muraayado celiya iftiinkaas ama qafiifiya, in aad daah adag ku xirato guriga ama waxyaabo cecliya ama yareeya iftiinka nalalka guriga, waxay kaa caawineysaa yareynta madax xanuunka.

8-      Baraf ku xiro madaxa ama qoorta

Arrintan waxay yareyneysaa dhiigga saa’idka ugu dhex wareeganaya madaxa ee xanuunka keenaya. Sidoo kale waxay yareyneysaa haddii madaxa uu barar ku jiro.

Waxaad xiran kartaa kareen la qaboojiyay ama khudaar firiijka laga soo saaray – muddo 10 daqiiqo ahna hakuu xirnaadaan.

9-      Cab caleenta shaaha ee Feverfew

Caleenta Feverfew waa mid si guud loogu daweeyo madax xanuunka, balse waxaa dhici karta in ay adag tahay in la helo. Waa kharaar, marka si tartiib ah u kabo, waa haddii aad hesho.

Sidoo kale, uma wanaagsana hooyada uurka leh ama naas-nuujineysa. Si la mid ah, dadka qaba Gaaska ama xasaasiyadda uma fiicno.

10-   Sanka saaro si aad u carafsato Lavender

Saliidda Lavender waxay dejisaa shucuurta iyo dareenka qalbiga. Waxayna u fiican tahay madax-xanuunka uu sababo walwalka iyo xanaaqa ama cabsida.

Haddii madaxa uu ku xanuunayo, illaa 15 daqiiqo sanka saaro carafta saliidda lavender. Sidoo kale madaxa marso ama jirkaaga, balse marka hore, saliid kale ku dar.

11-   Kofee cab

Waxaa macquul ah in ay la yaab kugu noqoto, balse kofeega wuxuu yareeyaa madax-xanuunka. Kaniiniyada qaar ee xanuun baabi’iyaha ah waxaa ku jiro maadooyiin kofee ah, waxayna yareysaa halbowleyaasha dhiigga qaada si xanuunka u yaraado.

12-   Madaxa isu riiriix

In aad madaxa riiriixato ama isu daliigto waxay xasilineysaa lafta madaxa iyo murqaha. Waxay sidoo kale ka hor tageysaa in xanuunka uu sii bato.

Waxaad sameyn kartaa in laba farood aad ku qabato labada dhinac ee xiska ka dibna si deggan oo aayar ad aad u masaajeyso. Xanuunka wuu baxayaa.

13-   Jimicsi orod ah samee

Sida guud, jimicsiga wuxuu ka hortagaa madax-xanuunka. Wuxuu hagaajiyaa hoormoonnada jirka iyo tayada hurdada oo aad u wanaagsanaata.

14-   Cun kaluunka Salmon

Cuntooyiinka ay ku badan tahay omega-3, waxay yareeyaan waxyaabaha sababa madax-xanuunka. Kalluunka ayaa ka mid a, wuxuuna caawiyaa sida dhiigga uu ugu dhex wareegayo jirka iyo yareynta xanuunka madaxa.

Sidoo kale waxaad isku tijaabin kartaa cunista lowska, khudaarta iyo digirta, oo qaar ka mid ah laga helo maadada omega-3.

15-   Jimicsiga maskaxda

Meditation waa jimicsi aad ugu wanaagsan walwalka – waana la og yahay in walwalka uu sababo madax-xanuun. Wuxuu jimcisigan bixiyaa walbahaarka iyo xanuunnada murqada qoorta iyo madaxa.

Verified by MonsterInsights