Soomaaliya iyo Suudaan oo isku raacay dardargelinta wada-shaqeynta ciidamada

1 minute, 0 seconds Read

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Wasiirka Difaaca dalka Suudaan, General Hassan Daoud Kabroun, intii uu socday Bandhigga Warshadaha Difaaca ee SAHA 2026 oo lagu qabanayo magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

 

Kulanka labada mas’uul ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iskaashi ee Soomaaliya iyo Suudaan, gaar ahaan dhinacyada difaaca, amniga iyo la-dagaallanka kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda dowladnimada.

 

Wasiirrada ayaa sidoo kale isla gartay muhiimadda ay leedahay in labada dal ay yeeshaan iskaashi joogto ah oo ku dhisan danaha wadaagga ah, iyadoo xoogga la saarayo isweydaarsiga khibradaha militari iyo qorshayaasha lagula dagaallamayo kooxaha amni darrada ka wada gobolka.

 

Kulankan ayaa kusoo aadaya xilli dowladda Soomaaliya ay dadaal xooggan ugu jirto xoojinta awoodda ciidamadeeda iyo dhismaha xiriir difaac oo ay la yeelaneyso dalalka gobolka iyo kuwa caalamka, si loo dardargeliyo howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Gudaha

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *