5 astaamood oo ay leeyihiin ragga ay dumarka ugu jecel yihiin

0
232

Ragga oo dhan waxay jecel yihiin inay yeeshaan soo jiidasho. 

Qofba wax buu ku wanaagsan yahay waxna waa looga fiican yahay.

Nin baa deeqsi halka mid kalena uu naxariis badan yahay.

Laakiin ragga leh shantan dabeecadood oo kaliya ayaa lagi sifeeyaa kuwa ay dumarku ugu jecel yihiin.

1- Taakuleyn

Mid ka mid ah ragga ugu soo jiidashada badan ee ay haweenka daneeyaan waa ninka mar walba u taagan taakuleynta iyo awood siinta dumarka.

Marka aad ninkaas is guursataan wuxuu meel walba la taagan yahay ammaantaada, adigoo la jooga iyo adigoo ka maqan labadaba.

Wuxuu ku dadaalaa inuu xaqiijiyo sidii aad ku gaadhi lahayd ujeeddooyinkaaga dhinaca horumarka nolosha.

Haddii xitaa aadan marka hore aqoonsanin, marka aad nolosha wadaagtaan ayaad ku fahmeysaa dabeecadahan cajiibka ah.

2- Dagaal caddaalad ah

Dadka intooda badan marka ay isku dhacaan waxay xoogga saaraan sidii ay guusha xagooda u raaci lahayd ama iyagu ay garta u qaadan lahaayeen.

Qof walba wuxuu doonayaa in uu xaqiijiyo in uu yahay midka saxan oo laga gar daran yahay.

Laakiin ragga aad ka sheekeyneyno waxay eegaan caddaaladda marka uu khilaafka imaado.

Waxaa taas usii dheer naxariista iyo garashada. Inta badanna raggan waxay ka hor tagaan ismaandhaafka iyo waxyaabaha horseedi kara dagaalka.

3- Rabitaanka labada dhinac

Wuxuu mar walba fahansan yahay rabitaanka gabadha xaaskiisa ah ama uu xiriirka la wadaago, wuuna ku taageeraa.

Tusaale ahaan, marka ay rabto wax ay ka xishooneyso islamarliiba wuu fahmay, iyadoo aan waydiinin ayuuna ku dhaqaaqaa.

Isaga qudhiisana wuu haweeneyda wuu u sheegaa waxa uu doonayo iyo waxa ku jira niyaddiisa.

Arrintan kuma xiro wax shuruud ah, kamana aha abaal raadin, balse waa mid ka mid ah dabeecadaha dahabiga ah ee uu hibada u leeyahay.

4- Qiimeynta xiriirka

Ninka boqorka ah ee ay dumarku jecel yihiin waa midka xiriirka guurka ama jacaylka daneeya.

Marka la is barbardhigo xiriirka iyo wax kasta oo kale wuxuu door bidaa inuu xiriirkaas sii jiro.

Mararka qaar oo ay khilaafaadka gaaraan heer aad u xun wuxuu isagu isku dayaa in xal la helo intii la kala tagi lahaa.

5- Isfaham

Dabeecadaha ninka ay dumarka jecel yihiin waxaa ka mid aj inuu ku wanaagsan yahay djinaca hadalka, taasoo sababta isfahamka.

Wuu yaqaannaa sida loo abaaro ama loo sharraxo qodobka uu ka hadlayo, hadalkiisuna wuu cad yahay oo waa mid si sahlan loo fahmi karo.

Inta badan wuxuu hadalka ka billaabaa dulucda isagoo aan waqti ku luminin dood dheer iyo dhacdooyin hore.

Nin walba oo aan dabeecadahan lahayn wuu isu carbin karaa inuu hadda kaddib yeesho, si uu u noqdo mid soo jiidan kara dumarka.

Wardeeq news

Please enter your comment!
Please enter your name here