kgstvsomali 2 - Wardeeq news

Maamulka koonfur galbeed Soomaaliya ayaa ka hor yimid go’aankii shalay kasoo baxay  Gudoomiyaha Guddiga hirgalinta doorashooyinka Heer Federaal.

Qoraal kasoo baxay Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka oo lagu baahiyay barta bulshadda ee guddiga aya lagu sheegay in kuraasta kala ah HOP103 iyo Hop154 ay doorashooyinkooda ka dhaceyn Magaaladda Baydhabo horey loo fasaxay.

“Kursiga HOP#103 horaa loo fasaxay, HOP#154 cid ka dacwooneysa lama haayo, Guddiga FEIT ha ka shaqeeyo danaha ummada, doorashada carqalada halaga daayo”, ayaa lagu yiri qoraalka Guddiga Doorashooyinka Koonfur Galbeed Soomaliya.

Qoraalka ayay soo saareen waxaa ku saxiixnaa Gudoomiyihii Hore ee Xilka Laga qaaday, Maxamed Xasan Ciro, kaasi oo sheegay in la fasaxay kuraasta xiligaas lagu murasanaa.

274518390 166079229088017 9079296395204201347 n 2 - Wardeeq news

Verified by MonsterInsights