Dubbe - Wardeeq news

Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Sanoter Cismaan Abuukar Dubbe ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Shiikh Cabdinaasir Xaaji Axmed oo maanta qaraxa loogu xiray Gaarigiisa, xili uu ku sugnaa magaalada kismaayo.

“Ilaahay ha u naxariisto Sheekheenii weynaa ee Sheekh Cabdinasir Xaaji Axmed oo goordhoweyd qarax lagu dilay magaalada Kismaayo oo uu tegey wacdi iyo muxaadarooyin. Ilaahay ha u naxariisto Sheekh Cabdinasir.

Dhanka kale ciidamada ammaanka Jubbaland ayaan weli ka hadlin qaraxa ka dhacay Magaalada Kismaayo.

Baaritaan ayaa ka socda magaalada Kismaayo, sida uu soo sheegayo weriyaha wardeeq 24TV  ee magaalada kismaayo xasan maxamed deeq

Verified by MonsterInsights