FB IMG 1645587457913 - Wardeeq news

Askari katirsan Ciidamada Booliska ayaa degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay Allaha u naxriistee Maxamed Keniya oo kamid ahaa dhalinyarada Magaalada Baraawe ee gobolka shabeellaha hoose, isaga oo goobta ka baxsaday.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in dilka uu ka dhacay xaafadda Baqdaad oo kamid ah xaafadaha Magaalada Baraawe kadib markii uu muran dhex maray qofka Askaeiga iyo Wiilka dhalinyarada ah, isla markaana Askariga dilka geystay uu xiligaasi soo isticmaalayay waxyaabaha maanka dooriya.

Guddoomiye kuxigeenka Aniga iyo Siyaasadda degmada Baraawe isamaaciil Cabdullaahi Jaadane ayaa sheegay in laamaha Amniga degmada ay ku raad joogaan Askarigii dilka geystay si Maxkamad loo horgeeyo.

Qaar kamid ah dhalinyarada degmada Baraawe ayaa walaac ka muujiyay dilka Maxamed Keniya, waxaana ay laamaha Amniga ka codsadeen in tallaabo laga qaado Askariga dilka geystay.

Verified by MonsterInsights