023h7nu0 - Wardeeq news

Ciidamo katirsan kuwa Uganda oo kamid ah AMISOM ku leeyihiin degaanka Cadow Dibile oo hoostaga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaal culus oo u dhaxeeyay Ciidamada Uganda iyo Al-Shabaab ayaa ka dhacay degaanka, kaaso la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, sida ay sheegeen dadka degaanka.

Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda weerarka ayaa sheegay inay dileen Saddex Sarkaal oo kamid ahaa miino baarayaasha Ciidamada Uganda walow aysan jirin dad madax bannaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.

Maamulka degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa dhankooda ka hadlin weli dagaalka, hayeeshee waxaa lagu soo waramayaa in xaaladda degaalka Cadow Dibile ay degan tahay, isla markaana ay gacanta ku hayaan Ciidamada Uganda.

Verified by MonsterInsights