hqdefault - Wardeeq news

Saldhigaan ayaa waxaa uu kuyaalla degaanka Haansheekh oo u dhow Tuulada Gololeey oo hoostagta degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana degan Ciidamada Uganda oo katirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Wararka la helay ayaa sheegaya in dabka oo ka dhashay Koronto uu ku fiday Bakhaarada Hubka ee Ciidamada Uganda, waxaana dad ku sugan Balcad ay sheegeen inay maqlayeen qaraxyada rasaastii iyo hubkii yiilay bakhaarada.

Dadka qaar ee ku sugan degmada Balcad ayaa markii hore u qaatay in dagaal uu ka socda Xerada Ciidamada AMISOM ee Haansheekh balse markii dambe la ogaaday in uu dab ka kacay Xerada, kaas oo lagu guuleystay in la damiyo.

Saraakiisha Ciidamada AMISOM ee ku sugan Xerada Haansheekh ee duleedka Waqooyi ee degmada Balcad ayaan weli faah faahin dabkaas, balse la filayo in saacadaha soo socda ay ka hadlaan.

Verified by MonsterInsights