83B92221 2D8A 453F 8439 30D7D362579D - Wardeeq news

Hirshabeelle ayaa amar ku bixisay in aan la furi karin Goobaha Ganacsiga ee ku yaala Jowhar, kadib markii xubno ganacsato ah Al-shabaab ugu yeereen degmada Aadan-yabaale oo ka tirsan Sh/dhexe, kuwaas oo ku sugnaa Magaalada Jowhar.

Warar haatan ka imaanaya Jowhar ayaa sheegaya in inta badan Goobaha ganacsiga ee magaaladaas maanta ay xiran yihiin, waxaana lagu xiray amarka Maamulka Hirshabeelle, maadama ganacsatadaas qaarkood looga yeeray deegaanka Aadan-yabaal oo ay Al-shabaab xukumaan.

Lama oga sababta ganacsatadaas loogu yeeray, balse waxaa hubanti ah in Al-shabaab canshuur ka qaadaan ganacsatada magaalada jowhar.

Sidoo kale, waxaan la ogeyn talaabada kale ee uu Maamulka Hirshabeelle qaadayo haddii xubnahaas Shabaab jira ay soo laabtaan.

Verified by MonsterInsights