5da70cf1cc4a0a23ad338c02 - Wardeeq news

Waxay sidoo kale Turkiga ugu baaqday in maraakiibta Ruushka uu ka hor istaago marinnada Bosphorus iyo Dardanelles, sida uu sheegay safiirka Kyiv u fadhiya Ankara. “Waxaan ku baaqeynaa in marinnada hawada, Bosphorus iyo Dardanelles la xiro. Waxaan codsigeenna u gudbinnay dhanka Turkiga. Isla mar ahaantaa waxaan dooneynaa in cunaqabateyno lagu soo rogo dhanka Ruushka,” ayuu Danjire Vasyl Bodnar ka yiri shir jaraa’id oo uu ku qabtay caasimadda Turkiga.

Codsigan ayaa labo daran mid dooro u ah Turkiga oo xubin ka ah NATO, isla markaana Ukraine iyo Ruushkana xad kala leh Badda Madow xiriir fiicanna la leh labada dal.

Heshiis la gaaray sanadkii 1936, ayaa dhigaya in Ankara ay xukunto marinnadaas ayna xaddidi karto maraakiibta dagaal ee adeegsanaya xilliyada dagaalka ama haddii ay khalkhal dareento.

Verified by MonsterInsights