1645712877225 - Wardeeq news

Dawladda Ukraine ayaa baraha bulshada ku soo baahisay sawirtada laba askari oo Ruusha kuwaas oo ay sheegtay in ay ku qabatay meel aan ka fogayn caasimadda dalkaas ee Kiev.

Labadan maxbuus ayay Ukraine sheegtay in gacanta lagu dhigay ka dib markii lagu sameeyey hub ka dhigis. Tan ayaa muujinaysa in Ruushku uu gudaha u galay dalka Ukraine isla markaana uu kaabiga u saaran yahay caasimadda dalkaas xilli halkaas u ka socdo barakicii ugu weynaa ee ay samaynayaan shacabka oo la cararaya nafahooda.

Verified by MonsterInsights