1645785066602 - Wardeeq news

Raiisul wasaaraha Taiwan “Su Tseng-chang” ayaa sheegay maanta oo Jimce ah in jasiiradda Taiwan ay ku biiri doonto “wadamada dimuqraadiga ah” ee cunaqabataynta saaraya Ruushka kadib markii uu duulaan ku qaaday Ukraine.

Taiwan ayaa si gaar ah isha ugu haysa xiisadda Ukraine kadib markii Shiinuhu xulafo la noqday Ruushka, kaas oo ku andacoonaya in Taiwan tahay qayb kamid ah dhulka Shiinaha.

Waxaana ay Taiwan labadii sano ee u dambeysay la kulmaysay cadaadis militari oo kaga imanayay Shiinaha.

Verified by MonsterInsights