FB IMG 1645785953199 - Wardeeq news

Madaxa xafiiska madaxtooyada ee dalka Ukraine Mikhail Podoljak ayaa soo saaray war murtiyeed uu ku sheegay in Ukraine diyaar u tahay wada hadal ay la gasho Ruushka oo dagaal ku soo qaaday dalkaas maalintii shalay. Wuxuna Mikhail sheegay in Ukraine dalbanayso damaanad qaad amni isla markaana ay diyaar u tahay wada xaajood ay la yeelato dalka gantaalaha ku garaacaya ee Ruushka.

Hadalkan ayaa imanaya xilli uu dagaalku galay maalintiisi labaad iyadoo la sheegayo in Ruushku uu guulo waaweyn ka gaadhey dagaalka halka madaxweynaha Ukraine sheegayo in ciiddamada Ruushku doonayaan in ay isaga iyo qoyskiisaba khaarajiyaan.

Verified by MonsterInsights