Dhaq-dhaqaaqyo Ciidan Oo Laga Dareemayo Baydhabo Kadib Markii Ciidamo Horleh Ku Biireen Laftagareen

Waxaa maanta furimaha hore ee gobolka Baay lagu soo dhaweeyey Taliyaha Ciidamada Booliiska Gaarka ah ee degmada Qansax Dheere iyo ciidamo uu hoggaaminayo, kuwaas oo si rasmi ah ugu biiray gulufka dib-u-xoreynta deegaannada Koonfur Galbeed ee ay wadaan ciidamada taageersan maamulka hore ee uu hoggaamin jiray Cabdicasiis Xasan Maxamed “Laftagareen”.

 

Soo dhaweynta ciidamada cusub ayaa waxaa hormuud ka ahaa Wasiirkii hore ee Wasaaradda Amniga ee dowladdii hore ee Koonfur Galbeed iyo saraakiil ciidan oo ku sugan furimaha dagaalka. Munaasabadda lagu qaabilayey ciidamada ku soo biiray halganka ayaa ka dhacday mid kamid ah fariisimaha ciidamada ee gobolka Baay, halkaas oo masuuliyiin iyo saraakiil kala duwan ay hadallo dhiirrigelin ah ka jeediyeen.

 

Mas’uuliyiinta ka qeyb galay soo dhaweynta waxaa kamid ahaa Afhayeenka Dowladda Koonfur Galbeed, Taliyaha Ciidamada Booliiska Gaarka ah, Taliyaha Saldhigga Booliiska Baraawe iyo saraakiil kale oo ka tirsan laamaha ammaanka iyo ciidamada deegaanka.

 

Saraakiisha halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ciidamada ku soo biiraya gulufka ay muujinayaan taageero sii kordheysa oo loo hayo dagaalka dib loogu doonayo maamulka iyo gacan ku haynta deegaannada muhiimka ah ee Koonfur Galbeed, gaar ahaan magaalada Baydhabo oo ah xarunta gobolka Baay iyo caasimadda maamulka Koonfur Galbeed.

 

Wararka laga helayo furimaha hore ayaa sheegaya in maalmihii la soo dhaafay ay si isa soo taraysa u kordhayeen ciidamada iyo saraakiisha ka goosanaya dhinacyadii hore ugula jiray maamulka Laftagareen, kuwaas oo hadda ku biiraya gulufka militari ee ka socda deegaanno ka tirsan gobolka Baay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top