1646033850600 - Wardeeq news

Madaxweynaha dalka Ruushka ayaa amar ku bixiyay in ciidamadiisa ku tababaran hubka nukliyeerku ay diyaar noqdaan saacad walba, sida ay ku warantay wakaalada  wararka ee AFP.

Waa arin imanaysa xili uu Dagaalka Yukrayn xoogaystay saacadihii lasoo dhaafay, iyadoo lagu dagaalamayo gudaha magaalooyinka waawayn ee Yurayn.

Axaddii shalay waxay ahayd maalintii ay duqaymaha ugu badan fuliyeen ciidamada Ruushku afartii maalmood ee dagaalku uu socday.

Wada hadalada Ruushka iyo Yukrayn ayaa todobaadkan ka bilaabmaya xadka Yukrayn iyi Pelarus, si looga wada hadlo cabashada Ruushka.

Ruushka ayaa weli sheegaya in uu gacanta ku wada dhigi doono dalka Yukrayn, balse iska caabin aanu ku talo galin ayuu la kulmay.

Verified by MonsterInsights