2022 03 04T092837Z 1494032217 RC2LVS97V50K RTRMADP 3 UKRAINE CRISIS NUCLEAR PLANT FIRE 1 - Wardeeq news

Ciidamada Ruushka ayaa la wareegay gacan ku haynta warshada tamarta Nukliyeerka ee Zaporizhzhia, taasoo ah xarunta ugu weyn Yurub. Dab ayaa subaxnimadii hore ee maanta oo Jimce ah ka kacay dhisme ku yaalla magaalada Enerhodar ee koonfur-bari, balse hadda waa la damiyey. Ukraine, xulafadeeda reer galbeedka iyo hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Nukliyeerka ayaa sheegay in weerarka Ruushka uu dhaliyay dabka. Ruushka ayaa beeniyay inuu weeraray goobta, wuxuuna ku eedeeyay dabka, oo Kyiv ay ku andacooneyso inay ku dhinteen “dhowr” qof, inay ka dambeeyaan “qas-qaadaha” Ukraine. Duulaanka Ruushka ayaa dhaliyay qax ballaaran oo ka yimid Ukraine iyo xiisad bini’aadantinimo oo si degdeg ah uga sii daraysa.

Verified by MonsterInsights