Dil khuraafaad - Wardeeq news

Ciidamada Ahlu Sunna ayaa weerarkaan ku dilay laba Askari oo ka tirsan ciidamada Gorgor oo ay horey halkaas u geysay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Xog ay heshay wardeeq news ayaa sheegeysa in ragga hubeysan ay ka tirsan yihiin xoogaga Ahlu-Sunna, islamarkaana weerarka kadib ay horay usii qaateen Gaari Cabdi Bille ah oo ay la aadeen dhinaca deegaanka Bohol.

Sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan laamaha amniga Galmudug, Gaariga Cabdi Billaha ah ayaa markii hore laga soo qaatay xoogaga Ahlu Sunna balse dib ayey ula wareegeen, iyaga oo dilay qaar kamid ah askartii wadatay gaariga.

”Ciidanka amniga Dhuusamareeb oo ka jawaabaya falkaan foosha xun ayaa ku howlan soo qabashada kooxdan arxanka daran, cid walba oo qeyb ka ah ama wax ka fududaysayna sharciga ayaa la horkeeni insha’allah. Qiil dambe maharin iyo diintoo lagu qaraabtaaye,” ayuu ku yiri qoraal uu baahiyey afhayeenka

Verified by MonsterInsights