2019225636866928723581052C J9L9NXgAA HKK - Wardeeq news

dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac kaas oo u dhaxeeyay Maleeshiyaad hubeysan iyo Ciidamo ka tirsan dowladda.

Dagaalka labada dhinac ayaa si gaar ah ugu dhacay afaafka hore ee Madaxtooyada (Lama galaay), halkaasi oo ay degan yahiin Madaxda ugu sarreeya Maamulka Hirshabeellle, sidoo kalana ay hadda ku sugan yihiin inta badan musharixiinta u taagan Kuraasta 11-ka ah ee taala Magaaladaas.

Maleeshiyaadka Ciidamada Ammaanka kula dagaalamay magaalada Beledweyne ayaa xalay soo galay gudaha Magaaladaaas, iyagoo sheegay in ay dagaal ka xigaan in Kursiga HOP#010 qof loo xiro oo uu haatan ku fadhiyo Cabdisiaaq Maxamed (Jindi).

Si rasmi ah looma ogo tirada dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay dagaalka ka dhacay Magaalada Beledweyne, balse waxaa la xaqiijiyay in ay jirto khasaaro soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay iyo Dad shacab ah.

Dhinaca kale, halka uu dagaalka ka dhacay waxaa la sheegay in uu shir ugu socday madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe, ku xigeenkiisa iyo musharixiinta u taagan Kuraasta 11-ka ah ee ku harsan Magaalada Beledweyne.

Madaxda halkaas ku shirtay ayaa la tilmaamay in ay ku heshiiyeen inaan Kuraasta loo xirin Shaqsiyaad gaar ah isla markaasna ay noqdaan kuwa loogu tartamo si siman oo caddaalad ah

Verified by MonsterInsights