Doorashada Hirshabeelle 731x470 1 - Wardeeq news

Dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo shalay shaaciyay in ay fasaxeen hore loo hayay oo seddex gaareysa, ayaa diiwaan geliyay musharixiinta u tartameysa kuraastaas.

Kursiga Hop#030 oo ka mid ah kuraasta deegaan doorashadoodu taalo Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, waxaa ku tartamaya musharixiinta kala ah:

Daahir Amiin Jeesow oo ahaa xildhibaankii hore ugu fadhiyay Baarlamaankii 10-aad, halka kursigaas uu isna kula tartamayo Cali Cabdulllaahi Xeefow.

Sidoo kale, Kursiga Hop#010, waxaa hore kursigaan ugu fadhiyay Xildhibaan Cabdirisaaq Maxamed Axmed Jindi, balse waxaa ku tartameysa haatan oo loo diiwaangeliyay musharixiin kale.

Guddiga ayaa sidoo kale, diiwaangeliyay musharixiinta ku tartameysa kursiga Hop#066, waxaana ku tartamaya musharixiin dhowr ah, iyadoo uu hore ugu fadhiyay Xildhibaan Cumar Cismaan Waasuge.

Guddiga doorashada ayaa maanta qorsheenaya in ay qabtaan doorashada kuraastaas Seddexda ah, iyadoo qoraal kasoo baxay Guddiga doorashooyinka heer federal lagu fasaxay qabashada doorashadooda kuraastaas.

Verified by MonsterInsights