sawirka 696x300 1 - Wardeeq news

Magaalada Boosaaso Bishii December ee sanadkii tegay ee 2021 iyo dhamaan Saraakiisha kala duwan ee Ciidamada Puntland.

Shirka, waxaa shir guddoon ka ahaa Wasiirka amniga Puntland, waxaana uu si gaar ah ugu dhacay Madaxtooyada maamulka ee magaalada Boosaaso, iyadoo ujeedka shirka uu ahaa sidii loo dhameyn lahaa loogana gudbi lahaa khilaafkii sababay gacan ka hadalka ee ka dhacay Magalada Boosaaso, kaas oo dhex-maray Ciidamada Puntland & kuwa PSF.

Sidoo kale, Saraakiil ka kala socday dhinacyada Ciidanka sida, PSF,  PMPF , Boolis iyo Daraawiish oo kulanka goobjoog ka ahaa ayaa ku balamay sidii wadashaqeyntii jirtay markii hore dib loogu soo celin lahaa loogana gudbi lahaa xaaladihii Ciidanka dhexdooda ka dhacay.

Dhankiisa Wasiirka Amniga Maamulka Puntland Cabdisamad Maxamed ( Galan) oo shirka kadib Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shirkooda uu kusoo dhamaaay guul, isla markaana dhamaan Ciidamada ay ku wada heshiiyeen inay ka wada qeyb qaataan sugida amniga iyo la dagaalanka Al-Shabaab iyo Daacish.

Sidoo kale, waxaa uu u mahad celiyay dhamaan Saraakiisha kala duwan ee Ciidamada, isaga oo ka dalbaday inay ka gudbaan khalalaadkii ka dhacay Magaalada Boosaaso lagana wada Shaqeeyo sidii si isku mid ah u sugi lahaayeen guud ahaan amniga degaannada maamul goboleedka Puntlnad.

Verified by MonsterInsights