1646996107135 - Wardeeq news

Dhageystayaasha BBC-da ayaa su’aalo ay soo weydiiyeen barnaamijyada Raadiyaha waxaa ka mid ah: Haddii uu Ruushku hub kiimiko ah adeegsado, taasi ma waxay ka dhigan tahay inuu gudbay khadkii casaanka ahaa ee calaamadeeyay?

Waa hubaal in arrintaas ay ka dhigan tahay inuu Putin ka tallaabay khadka cas ee ay u asteeyeen Nato, Yurub iyo Mareykanka. Waxa ay tallaabadaas kicin doontaa xanaaq caalami ah.

Ruushka ayaa maanta dalbaday in shir deg deg ah oo khaas ah la isugu yeero Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, si looga wada hadlo wax uu ku sheegay qorsheyaal ay Ukraine ku dooneyso inay isticmaasho hubka kiimikada iyo kuwa wax gumaada.

Ma jiraan wax caddeymo ah oo ay dowladda ruushka u cuskatay sheegashadaas, waxaana durbadiiba ku gacan seyray Ukraine iyo Mareykanka.

Sidaas darteed, jawaabtu waa “haa” waa laga gudbayaa khadka cas, balse isbahaysiga Nato aad buu uga fiirsan doonaa in uu tallaabo militeri qaado ama uu dagaalka ku biiro, sababtoo ah mar haddii ay Mareykanka iyo Ruushka rasaas isku billaabaan – sida uu horayba u sheegay Madaxweyne Biden – taas micnaheedu waa in uu billowday Dagaalkii Saddexaad ee Adduunka.

Haddaba ma cadda waxa ay ka dhigan tahay in laga tallaabsado khadka cas, maadaama ay sii dhammaanayaan heerarka cunaqabateynnada ee la saarayo Ruushka.

Verified by MonsterInsights