1647150635629 - Wardeeq news

Salaamu Calaykum.
Salaan qiimo badan ka dib, Xisbiga Waddani wuxuu mar kasta u taagan yahay qarannimada iyo xaqiijinta himilada bulshada Somaliland. Waxaannu aamminsannahay sarraynta sharciga, ilaalinta mabaadi’da guud iyo dhawrista qiyamka oo shareecadu saldhig u tahay. Cid kasta oo intaa ka hor timaaddaa kuma metesho Xisbiga Waddani.

Taageerayaasha xisbiga waxaan u sheegayaa in weftiyada Somaliland heer kasta oo ay yihiin la soo dhaweeyo, mana jirto cid wakhtigan nagu meteli karta in safarka Madaxweynaha la carqaladeeyo, marka loo baahdo mudaharaad waxaynu ku qaban doonnaa gudaha dalka sharciga ayaana inoo oggolaaday. Ilaalinta Qarannimada ayaa inoo ballana, waanad mahadsan tihiin.

Verified by MonsterInsights