20211225637759926422568029 - Wardeeq news

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa farriin muhiim ah u diray taageerayaasha xisbiga WADDANI isaga oo ugu baaqay inay ka qayb-galaan soo dhawaynta waftiga Madaxweynaha Somaliland hoggaaminayo ee safar ku tagay dalka Maraykanka.

Guddoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku yidhi sida tan:

“Salaamu Calaykum.

Salaan qiimo badan ka dib, Xisbiga Waddani wuxuu mar kasta u taagan yahay qarannimada iyo xaqiijinta himilada bulshada Somaliland. Waxaannu aamminsannahay sarraynta sharciga, ilaalinta mabaadi’da guud iyo dhawrista qiyamka oo shareecadu saldhig u tahay. Cid kasta oo intaa ka hor timaaddaa kuma metesho Xisbiga Waddani.

Taageerayaasha xisbiga waxaan u sheegayaa in weftiyada Somaliland heer kasta oo ay yihiin la soo dhaweeyo, mana jirto cid wakhtigan nagu meteli karta in safarka Madaxweynaha la carqaladeeyo, marka loo baahdo mudaharaad waxaynu ku qaban doonnaa gudaha dalka sharciga ayaana inoo oggolaaday. Ilaalinta Qarannimada ayaa inoo ballana, waanad mahadsan tihiin.”

Verified by MonsterInsights