Shirka Golaha Wasiirada Hotel Decale - Wardeeq news

Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay yeelan doonaan kulan aan caadi aheyn, kaasi oo looga hadli doono marxalada siyaasadeed ee xilligan uu marayo dalka.

Wararka ayaa sheegaya in Kulanka si gaar ah looga hadli doono arimaha amniga, doorashooyinka iyo tabashada ay qabaan maamulka Koofur Galbeed.

Kulanka golaha wasiirada ayaa la filayaa in ay go’aano adag ka soo saaraan xaalada siyaasadeed uu xiligan uu marayo dalka.

Xaalada siyaasadeed ee dalka ayaa maraysa meeshii ugu xumeyd ee abid soo marta dalka.

Verified by MonsterInsights