Shariif ahmed - Wardeeq news

Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu baaqay Ra’isul wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha Koofur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen in ay ka wada hadal ku xalliyaan khilaafka ka dhex jira.

Shiikh Shariif oo qoraal ku daabacay Boggiisa Facebook ayaa walaac ka muujiyay khilaafka xooggeystay ee la xiriira kuraasta ay hakiyeen Guddiga Doorashada ee FIET.

“Waxaan aad uga walaacsanahay kala ra’yi duwanaanshaha soo kala dhex gashay RW Rooble iyo Madaxweynaha KG Cabdicasiis Lafta Gareen taas oo khalkhal gelisey habsami u socodka doorashadii waqtiga dheer la sugayay soo gebagebeynteeda” ayuu yiri Shiikh Shariif.

Isaga oo sii hadlaya ayaa waxaa  uu yiri “Waxaan usoo jeedinaayaa Raiisul Wasaaraha iyo Madaxweyne Lafta Gareen in ay raadiyaan xal looga gudbo caqabadaha jira iyo is fahan-waaga la xiriira doorashada, tallaabo kasta oo la qaadayana waa in ay ahaataa mid isu dheelli tiran oo aan keeneyn dareen loo fahmi karo in maamul gaar ah la beegsanayo”

Dhinaca kale, waxaa uu boorriyay shaqada RW Maxamed Xuseen Rooble iyo Guddiyada doorashooyinka ee ku aadan bixinta shahaadooyinka Xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliyeed taas oo hadda mareysa meel fiican.

Verified by MonsterInsights