FB IMG 1649732583651 540x470 1 - Wardeeq news

Wararka ka imaanaya bartamaha degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xalay uu ka dhacay weerar ay dad shacab ah kasoo gaartay khasaaro dhimasho & dhaawac ah.

Dad Goob-joogayaal ah ayaa xaqiijiyay in
Nin ku hubeysanaa Qorriga AK47 uu rasaas ku furay Dad shacab ah oo la sheegay inay ku shaahayeen goob maqaaxi ah, isagoo markii dambe iskaga baxsaday goobta uu falka ka geystay taas oo ku taalo bartamaha degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Inta la xaqiiyay weerarka waxaa ku dhintay laba ruux oo dhalinyaro ahaa kuwaas oo lagu kala magacaabi jiray Allah ha unaxariistee Shariif Maxamuud Daahir iyo Idiris Bashiir Cabdi,, halka ruux kale uu dhaawac kasoo gaaray.
Dhinaca kale, warar soo baxaya oo ku aadan weerarka ka dhacay degmada Cabudwaaq ayaa sheegaya inuu salka ku hayo arrimo la xiriira aanooyin qabiil kaas oo daba socdo dil Maalmo ka hor loogu geystay degmada Cabudwaaq Darawalka Gaari jaad geyn jiray degmadaas.

Laamaha ammaanka degmada Cabudwaaq oo war kasoo saaray weerarka ayaa sheegay in ay wadaan howlgallo baaritaano oo ay ku soo qabanayaan Ninkii hubeysanaa ee bartamaha degmadaas ku dilay dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Verified by MonsterInsights