FB IMG 1649767947968 720x470 1 - Wardeeq news

Waxaa soo shaac baxay Khilaaf cirka isku sii shareeray u dhaxeeya Xukuumadda Somalaland ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo dowladda hoose ee magaalada Hargeysa, islamarkaana salka ku hayo cida maamuleysa dib u dhiska suuqii gubtay ee Waaheen ee Magaalada Hargeysa.

Dhinacyada ayaa isku mari la, sida ka muuqato hadalo kale duwan oo ay warbaahinta isku mariyeen cida ka shaqeyneysa maamulka iyo dib udhiska suuqii weynaa ee gubtay ee Hargaysa, inkastoo suuqa uu haatan ka socdo howlo nadaafadeed waxaana taasi mas’uul iska saaray dowladda hoose ee hargeysa.

Maamulka Dowladda Hoose ee Hargeysa oo uu khilaafka kala dhexeeyo Xukuumadda Madaxweyne Biixi ayaa ku doodaya in looga dambeeyo howlaha shaqo ee Suuqa ,islamarkaana aysan soo faragelin Madaxtooyada, halka Xukuumadana ay rabto inay maamusho dib udhiska Suuqa gubtay ee Waaheen.

Dhankiisa Wasiirka Howlaha guud ee Somaliland Cabdilaahi Abakor oo ka hadlay arrintaan ayaa sheegay in howlaha nashqadaynta iyo dib u dhiska suuqa Waaheen ay iyagu leeyihiin, isagoo xusay in qandaraaska ay u gudbin doonnaan guddida qandaraasyadda , taasi oo ka careeysiisay dowladda hoose ee Magaalada Hargeysa.

“Shaqadan shaqo su Xukuumaddu qabanayso maaha, shaqo ay Dawladda Hoose qabanayso maaha ,shaqada cidda qabanaysaa nidaam ayey maraysaa ,markay nashqadeeda samayso Wasaarada Hawlaha guud iyo guriyeyntu waxa lagu soo wareejin doonaa Guddida qandaraasyada qaran, iyadaa waajibaad keeda sharci ka gudan doonta…”ayuu yiri Cabdilaahi Abakor.

Dhankeeda Dawladda Hoose ee Magaalada Hargeysa oo qoraal ay arrintan kaga hadleyso soo saartay ayey ku sheegtay in marka la dhammeeyo nadiifinta Suuqa gubtay ee Waaheen inay bilaabayso dhismihiisa.

Verified by MonsterInsights