download 4 12 - Wardeeq news

Wadamada dalalka Midowga Yurub ayaa bilaabay inay xoojiyaan xiriirka kala dhaxeeya dalalka Afrika gaarahaanna dalka Nigeria, si ay u helaan gaaska dabiiciga ah ayna uga maarmaan ku tiirsanaanta dalka Ruushka.

Dalka Talyaaniga oo xubin ka ah Midowga Yurub ayaa isana heshiis la galay dalka Aljeriya.

Nigeria waa dlka afaraad ee Yurub geeya gaaska dareeraha ah.

Ugu yaraan boqolkiiba 40% gaaska Nigeria waxaa loo dhoofiyaa dalalka Yurub.

Ujeedka Midowga Yurub ayaa ah hoos u dhigidda isticmaalka gaaska Ruushkataas oo oo ay uga jawaabayaan duullaanka Ruushku uu ku qaaday Ukrine lix toddobaad ka hor.

Isniintii diblumaasiyiin ka socda Yurub ayaa booqasho ku tagay deegaannada gaaska ee dalka Nigeria si ay ula kulmaan madaxda shirkadaha gaaska.

Verified by MonsterInsights