Dil khuraafaad - Wardeeq news

Maamulka dowlad degaanka Soomaalida ayaa laba habeen kadib ka hadlay dhacdo 5 Ruux oo Shacab ahaa lagu dilay oo ka dhacay meel u dhow tuulada Caleen ee Dagmada Shilaabo ee dowlad degaanka Soomaalida.

Falkaas ayaa waxaa geystay maleeshiyaad ka tegay degaano katirsan Gobolka Galgaduud, wuxuuna falkaasi dilka ah la xiriiray anooyin qabiil.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Xukuumadda Dowlad degaanka Soomaalida ayaa loogu tacsiyadeeyay dadkii la dilay, iyaga oo sheegay inay Ciidamo dheeri ah geeyeen goobta uu dilka ka dhacay iyo xadka ay la leeyihiin Soomaaliya.

Hoos Ka Akhriso Warsaxaafadeed kasoo baxay Xukuumadda dowlad degaanka Soomaalida.

Xukuumadda Deegaanka Soomaalida ayaa si tiiraanyo leh ugu tacsiyeynaysa bulshada ku dhaqan degmada Shilaabo falkii argagaxa lahaa ee ka dhacay meel u dhow tuulada Caleen ee Dagmada Shilaabo.

Falkan oo ay gaysteen koox abaabullan oo ka soo duushay gudaha dalka Soomaaliya, gaar ahaan Gobolka Galguduud ee Maamul-goboleedka Galmudug wuxuu galaaftay nafta dad biri-ma-gaydo ah oo ka kooban waayeel iyo caruur aan waxba galabsan.

Si looga jawaabo falkan iyo wax walba oo xasilloonida iyo nabadgalyada shacabka halis galin kara, Dawladda Deegaanka Soomaalidu waxay u dirtay halka dadka lagu laayay iyo xadkaba ciidamo dheeri ah oo lagu amray in ay gacanta kusoo dhigaan kooxdii duullaanka ahayd ee falkan gaystay isla markaana kaga hortagaan in aan mar kale wax-yeello loogaysan dadka shacabka ah lana sugo nabadgalyada xadka.

Waxay ciidanku ku guulaysteen inay gacanta kusoo dhigaan qaar kamid ah kooxdii weerarka gaysatay halka qaar kalena la dilay kadib markay dagaal kala horyimaadeen ciidanka iskuna dayeen inay xoog ku baxsadaan, waxaana lagu raad-joogaa inta ka dhiman kuwii weerarka soo qaaday.

Dhanka kale, waxaa xiriir lala sameeyay maamulka Galmudug si gacanta loogu dhigo shakhsiyaad kamida kuwa dilka gaystay oo aan rumaysannahay inay xadka dib uga gudbeen iyaga oo baxsad ah, kuwaas oon ku rajo waynahay in gacanta lagu dhigo laguna soo wareejiyo dowladda si sharciga loo horkeeno.

Iyada oo wadashaqayn lala samaynayo Dawlad Gobolleed Galmudug ee Soomaaliya, hay’adaha amniga Deegaanka Soomaalida waxay kalsooni ku qabaan in sida ugu dhakhsaha badan sharciga loola tiigsan doono dhammaan cid walba oo ku lug yeelata dilka shacabka biri-ma-gaydada ah.

Verified by MonsterInsights