FB IMG 1650176924837 - Wardeeq news

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeelle ayaa sheegaya in duleedka Magaalada Qarax Miino lagula eegtay Xubin katirsan Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT, waxaana qaraxa ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso oo meelaha fog fog laga hago ayaa lala beegsaday Gaari HILUX oo uu watay Eng Mahad Cumar Cabdi oo katirsan Guddiga doorasbooyinka Heer Federaal xilli uu marayay inta u dhaxeeysa Magaalada Jowhar & Garoonka diyaaradaha, isaga oo doonayay in uu soo aado Magaalada Muqdisho.

Wararka la helay ayaa sheegaya in qaraxa uu ka badbaaday Eng Mahad balse ay ku geeriyoodeen laba kamid ah ilaaladiisa mid kalena uu ku dhaawacmay, kaas oo la geeyay Isbitaalka  Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ciidamo katirsan kuwa Booliska ayaa tegay halka uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo goobta kasoo qaaday meydadka labada Askari iyo dhaawaca mid kale, sidoo kalena howlgal Miino baaris ah ay ka sameeyeen wadada xiriirisa Magaalada Jowhar & Garoonka diyaaradaha.

laamaha Ammaanka Magaalada Jowhar ayaan weli qaraxaan faah fabain ka bixin, hyeeshee wadada xiriirisa Magaalada Jowhar & Garoonka diyaaradaha ayaa dhowr jeer waxaa qaraxyo lagula eegtay mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle iyo Saraakiil Ciidan.

Verified by MonsterInsights