heshiiska 1 - Wardeeq news

Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya ayaa waxaa Maanta shir ku yeeshay Hay’adaha Sirdoonka Milliteriga ee Bariga Afrika, iyaga oo kulankooda kaga hadlay Amniga gobolka & la-dagaalanka waxa loogu yeero Argagaxisada.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Xubno ka socday dalalka Soomaaliya, Jabuuti, Suudaan, Tanzania, Uganda & Koonfurta  , waxaana madaxda ay xoojiyeen baahida loo qabo feejignaanta joogtada ah iyo dadaalada wadajirka ah ee wadamada gobolka si loola dagaalamo caqabadaha amniga.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda gaashaandhigga Itoobiya ayaa lagu sheegay in hay’adaha milaterigu ay saxiixeen heshiis is-afgarad ah oo si wadajir ah loola dagaallamo argagixisada iyo Kooxaha  khatarta ku ah nabadda iyo ammaanka gobolka.

Sidoo kale Hay’adaha Sirdoonka Milliteriga ee Bariga Afrika ayaa go’aamiyay in laga wada Shaqeeyo Amniga Xaduudaha, Amniga Baraha bulshada, Amniga Internet-ka & ilaalinta deegaanka.

Soomaaliya ayaa waxaa ay ka mid tahay dalalka ay kajiraan qalalaasaha Amni, waxaana dowaldda Soomaaliya ay dagaal kula jirtaa  Al-Shabaab & kooxda Daacish-ta Soomaaliya.

Verified by MonsterInsights