bambo - Wardeeq news

Qaraxa oo ahaa Bambada gacanta laga tuuro ayaa lagu weeraray Ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo ku sugan Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidamada la weeraray ay ahaayeen kuwa ilaaliya Suuqa Tabeelaha ee Cansuurta ka qaada, waxaana ku dhintay laba Askari halka ay ku dhaawacmeen lix Ruux oo qaarkood Shacab yihiin.

Dadka ku dhaawacmay weerarka Bambaano ayaa waxaa la geeyay Isbitaalka Duco ee kuyaalla tabeelaha Sheekh ibraahim ee duleedka Magaalada muqdisho si halkaasi loogu daaweeyo.

Ciidamada dowladda eek u sugan Tabeelaha Sheekh Ibraahim ayaa qaraxa kadib waxaa ay sameeyeen howlgallo baaritaano ah oo ay ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyay weerarkaasi bambaano.

Verified by MonsterInsights