WhatsApp Image 2021 06 04 at 80520 PM edited - Wardeeq news

Ciidanka xogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan ururka 84aad guutada 14 October ee ka howlgala degaanka Janaale ayaa Howlgal qorsheysan ka fuliyey tuulooyin hoostaga u dhow degaankaas, halkaas oo lagu arkay Xubno katirsan Xarakada Al-Shabaab.

Abaanduulaha Ururka 84-aad, guutada 14 October laba xidigle Cali Mahdi oo howlgalka hogaaminayay ayaa  Idaacada Ciidamada u sheegay in ay gacanta ku dhigeen Sarkaal Al-Shabaab u qaabilsanaa qeybta sahanka sidoo kalana ay ku wadaan baaritaano dheeraad ah.

Sidoo kale wuxuu sheegay in howlgalka ay ku burburiyeen maxkamad ay si dhuumaaleysi ah lacago uga qaadi jireen shacabka ku nool tuulooyinka ay howlgalka kafuliyeen.

Uu dambeyn Abaanduulaha Ururka 84-aad, guutada 14 October laba xidigle Cali wuxuu sheegay inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab ilaa iyo inta ay ka saarayaan degaannada u dhow degaanka Janaale.

Degmooyinka iyo degaannada Gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxaa Ciidamada kala duwan ee dowladda Soomaaliya ay ka fuliyaan howlgallada ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab, hayeshee mararka qaar ay ka dhacaaan weeraro qorsheysan

Verified by MonsterInsights