shubanka - Wardeeq news

Sanadihii la soo dhaafay waxaa cudurka Shuban biyoodka uu ka dilaacay degaanka Shalanbood oo hoostaga Degmada Marka ee Gobalka Shabeellaha Hoose iyo tuulooyinka ku xeeran, iyada oo dad ay u geeriyoodeen.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in ilaa iyo hadda degaanka Shalaanbood ay Cudurka Shuban biyoodka ugu geeriyoodeen Saddex Ruux oo isugu jira Carruur iyo dad da’ah, kuwaas oo aan helin daryeelkii caafimaad ee loo baahnaa.

Bahda Caafimada degaanka Shalaanbood ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa wada dadaalo lagula tacaalayo, Dadka uu sida daran u saameeyey Cudurka shubanka biyoodka, iyaga oo dhaqaatiirta xaqiijiyay inay todobaadkan diiwaangeliyeen kiisas badan oo Isbitaalka la gaarsiiyay.

Sidoo kale dhaqaatiirta waxaa ay sheegeen in aysan jirin daawooyin ku filan oo yaalla Isbitaalka si dadka uu cudurka Shuban biyoodka saameeyay loogu daawaayo, iyaga oo baaq u diray Hay’adaha samafalka.

Dadkan cudurka Shuban biyoodka ugu geeriyooday Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa kusoo beekmaya xilli degaano kamid ah Gobolkaas ay kajiraan abaaro aad u daran oo saameeyay dad iyo duunyo.

Verified by MonsterInsights