un e1490590776291 - Wardeeq news

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dadka Soomaalida ah ee ay abaaruhu saameeyeen ay sare u sii kacayaan marba marka ka dambaysa, iyada oo bishii March lagu qiyaasayey dadka abaaruhu saameeyeen inay gaadhayeen illaa 4.9 million oo qof waxaase haatan la sheegayaa in tiradaasi ay marayso illaa 6.1 million oo Soomaali ah oo ay ku jiraan illaa 760,000 oo qof oo barakacayaal ah.

Arrimaha uga sii daraya xaaladda abaaraha ee Soomaaliya waxaa ka mida, iyada oo saadaashu ay sheegayso inay aad u yar yihiin roobabkii la filayey inay da’aan xilligan guga, taasina ay keentay in illaa 6 million oo Soomaali ahi inay haatan ku sugan yihiin xaalad cunto yari oo baahsan.

Sida uu sheegay Eri Kaneko oo ah afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay, ayaa sheegay in abaaraha ka jira Soomaaliya ay sidoo kale sababeen in illaa 1.4 million oo caruur ahi inay awoodi waayaan inay waxbarashadooda sii wataan.

Qaramada Midoobay ayaa sheegaysa in hay’adaha gargaarku ay illaa 2.6 million oo qof ay gaadhsiiyeen kaalmooyin lagu badbaadinayo nolosha dadka tabaalaysan, kaalmadaas oo ay ku jiraan lacago caddaan ah.

Qaramada Midoobay ayaa codsatay inay u baahan yihiin illaa $1.5 billion oo dollar si wax looga qabto xaaladda abaareed ee daran ee jirta, hase ahaatee waxay sheegeen inay heleen oo keliya illaa $66.7 million oo dollar oo u dhiganta 4.5% lacagta ay codsadeen.

Abaaraha daran ee ka jira gobolka Geeska Afrika ayaa ah kuwii ugu darnaa ee soo mara muddo dheer, waana markii ugu horraysay ee muddo afartan sano ah la diiwaangeliyo in afar xilli roobaad oo isku xiga aan roobabku u di’in sidii la fiayey

Verified by MonsterInsights