20211017637700631257365470 - Wardeeq news

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble qoraal uu soo saaray ayuu ku cambaareeyay weerarkii xalay ka dhacay Hoteel ku yaala Xeebta Liido ee Muqdisho kaas oo uu fuliyay ruux isku soo xiray walxaha qarxa, iyadoo uu geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

“Waxaan cambaareynayaa falkii argagixisadu ka geysteen Xeebta Liido, halkaas oo ay ku naf waayeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan kuwo kalena ku dhaawacmeen.” Ayuu ku yiri qoraalkiisa Rooble.

Sidoo kale, wuxuu tacsi u diray ehelada dadkii ku geeriyooday falkaas fulaynimo. Intii dhimatay Allaha u naxariisto, isagoo Alle ugu baryay inta  dhaawaca ah inuu bogsiiyo.

“Falka noocan ahi waxa uu ka markhaati kacayaa sida aan argagixisadu xurmo ugu heyn dhiigga muslimiinta, gaar ahaan xilligan oo la galay tobankii u dambeeyay ee bisha barakeysan ee Ramadaan.”Ugu dambeyn qoraalka kasoo baxay RW Rooble ayaa sidaa lagu yiri.

Verified by MonsterInsights