IMG 3655 Copy 1536x1024 1 - Wardeeq news

Xubno katirsan dagaalamayaasha Ururka Al-Shabaab ayaa Maanta waxaa ay si nabadgalyo ah kula wareegeen degmada Matabaan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Degmada Matabaan ayaa waxaa gacanta ku haayay Ciidamo ka tirsan Booliska Galmudug iyo maleeshiyaad tiro yar , balse la sheegay inay isaga baxeen markii ay kusoo dhawaadeen Al-Shabaab.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo degmada Matabaan ayaa waxaa ay sheegayaan gudaha degmada lagu arkaayo dagaalyahanada Al Shabaab oo koox koox u socda.

Degmada Matabaan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan balse Maamul ahaan hoostagta Galmudug ayaa waxaa dhowr jeer isku bedbedelay Ciidamada Galmudug iyo Ahlusunna,  waxaana bilihii lasoo dhaafay ay wajahday xaalad amni daro.

Madaxda Maamulka Galmudug iyo Saraakiisha Ciidamada qeynta 27aad ayaan weli ka hadlin la wareegitaanka Ururka Al-Shabaab ee degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Verified by MonsterInsights