IMG 20220418 WA0001 780x470 1 - Wardeeq news

Ciidamo katirsan Booliska Soomaaliya oo kaashanaya Maamulka degmada Kaaraan ee Gobolkan Banaadir ayaa howlgallo ka dhan ahaa Ciyaal weerada oo dhibaato ku haaya Shacabka ka sameeyelay Xaafado katirsan degmadaasi Kaaraan.

Howlgalka ayaa waxaa horkacayay Taliyaha Booliska degmada Kaaraan Gaashaanle Salaad Caraale Cali iyo Guddoomiyaha degmada Kaaraan Abshir Maxamed Maxamuud ( Abshir Kaaraan) , waxaana lagu qabtay dhalinyaro kamid ah Ciyaal weerarada oo watay Ulo iyo tooshash farabadan.

Guddoomiyaha degmada Kaaraan Abshir Maxamed Maxamuud ( Abshir Kaaraan) oo howlgalka faah faahinayay ayaa sheegay inĀ  dhalinyaradaan ay soo qabteen ay dhowr jeer uga digeen dhibaatada isugu jira isticmaalka maandooriyaha & dilka dadka Shacabka balse ay ka dhega adeegeeyeen, hayeeshee ugu dambeyn qaar kamid ah ay gacanta ku dhigeen.

Wuxuu ugu baaqay Waalidiinta Dhalinyarada weli kamid ah Ciyaal weerada inay Carruurtooda ceshadaan hadii kale uu Maamulka degmada tallaabo ka qaadi doono, isaga oo markale u digay Dhalinyarada weli kasii mid ah Ciyaal weerada.

Bilihii la soo dhaafay ayaa dadka kunool qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir waxaa dhibaato ku haayay Ciyaal weerada, iyada oo laamaha Amniga Gobolka Banaadir ay sheegeen inay tallaabo ka qaadi doonaan.

Verified by MonsterInsights