wwwwwww 780x470 1 - Wardeeq news

Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha gurmadka abaaraha ee Soomaaliya Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa la kulmay Isku-duwaha Koonfurta Soomaaliya ee dalladda isku tagga hay’addaha aan dowliga aheyn iyo Guddoomiyaha Hay’adda Tadaamun ee arrimaha samafalka.

Xubnaha uu la kulmay Ergayga gaarka ee Arrimaha gurmadka abaaraha waxaa uu la wadaagay warbixinno la xariira xaaladda abaaraha ee dalka, iyagoo dhinaca kale sheegay in ay muhiim tahay wadashaqeynta hay’adaha dowliga ah iyo kuwa aan dowliga aheyn.

Ugu dambeyn, Ergayga ayaa u mahadceliyay xubnahaan, wuxuuna ku boorriyay in ay wadashaqeyn buuxda yeelan doonaan, si dalka looga samatabixiyo abaaraha

Verified by MonsterInsights