rrrrr rooble 780x470 1 - Wardeeq news

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika Marwo Annette Weber.

Kulankooda ayaa ku saabsanaa xaaladda abaaraha dalka, taageerada amniga Soomaaliya ee Midowga Yurub, iyadoo Midowga Yurub ay ku bogaadiyeen Ra’iisul Maxamed Xuseen Rooble dhameystirka doorashooyinkii ka qabsoomay dalka.

Xubnaha Wafdigaan oo ay hoggaamineyso Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika Marwo Annette Weber, waxaana ay hore kulamo ula qaateen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Mas’uuliyiin kale.

Verified by MonsterInsights