285473563 322265210084434 1800420361090431039 n 750x430 1 - Wardeeq news

Guddiga amniga iyo nabadgalyada golaha wakiillada iyo guddiga Maaliyada, Dhaqaalaha iyo xisaabaadka Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Puntland, ayaa maanta u kuur-galay shaqada garoonka diyaaradaha magaaladda Boosaaso.

Ugu horeyn guddiyada ayaa kulamo la qaatay Maareeyaha Garoonka iyo Saraakiisha kastamka cashuuraha, kuwaas oo ay ka dhageysteen habsami u socodka shaqada Kastamka oo ay sheegeen in bishiiba ay soo fariistaan in kabadan 100 diyaaradod oo isugu jira caalami iyo kuwo sameeya safaro gudaha dalka ah.

Dhinaca kalena, Guddiga Amniga ayaa ku Ciidanka amniga ku adkeyay xoojinta amniga iyo Nabadgelyadda Garoonka.

Kormeeradan ayaa qeyb ka ah shaqooyinka Guddiyadda Golaha Wakiillada Puntland  sida uu qabo Qodobka 64aad Dastuurka.

wardeeqnews.net

Verified by MonsterInsights