000maleeshiyo beeleed - Wardeeq news

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxayo maleeshiyaad dadka degaanka ah oo weerar ku qaaday Xarun maxkamadeed oo ay Al-shabaab ku leyihiin deegaanka Booco oo ka tirsan Gobalka Hiiraan.

Dagaalka ayaa sidoo kale dhaliyay Khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, iyadoona labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan,sida ay shegeen Goobjoogayaal la hadlay wardeeq24TV.

wardeeq24TVĀ  xogta ay heshay ayaa intaasi ku dareeysa in dagaalku uu yimid ka gadaal markii Dagaalamayaasha Al-Shabaab ay magaalada Beledweeyne ku dileen Nabadoon bishii aynu soo dhaafnay.

Waxaana intaasi xigay In ay ka caroodeen ehelka uu ka dhashay nabadoon kadib markii Dagaalamayaasha Al-Shabaab sheegteen dilka nabadoonka, taas oo maanta horseeday in maleeshiyaad hubeeysan ay weeraraan Xarun maxkamadeed oo ay Al-shabaab ku leeyihiin deegaanka Booco oo ka tirsan Gobalka Hiiraan.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in wali uu dagaalku socdo, khasaare badan ka dhashay weerarka.

Verified by MonsterInsights